Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Taliye cusub oo la wareegaya hoggaanka taliska AFRICOM


Lt. Gen. Michael Langley
Lt. Gen. Michael Langley

Taliska milatariga Maraykanka ee Afrika ee loo soo gaabiyo magacooda AFRICOM ayaa yeelanaya taliye cusub laga bilaabo Talaadada soo socota.

Taliyaha cusub ayaa lagu magacaabaa Jeneraal Michael Langley ayaa noqday sarkaalkii ugu horreeyey ee ka tirsan ciidmaada badda Maraykanka ee madow ah ee gaara darajada Jeneraalka afarta xiddigood leh.

Aqalka Sanate-ka Maraykanka ayaa shalay ansixiyey dallacsiinta Jeneraal Langley.

Taliska AFRICOM ayaa xaqiijiyey in Jeneraal Langley uu xilka kala wareegi doono Jeneraal Stephen Townsend toddobaadka dambe, 9-ka August, magaalada Stuttgart ee Jarmalka.

Taliska AFRICOM ayaa dowladda Soomaaliya ka caawiya la-dagaalanka kooxda Al-Shabaab, ayaga oo fuliya duqeymo ka dhan ah kooxdaas, sidoo kalena tababar siiya qaar ka mid ah ciidamada Soomaaliya.

XS
SM
MD
LG