Jigjiga —
Xadgudubyada lagula kaco dumarka ee deegaanka Soomaalida Ethiopia ayaa kordhay saddaxdii sano ee la soo dhaafay marka loo barbar dhigo sanadihii ka horreeyay, sida uu sheegay maamulka deegaanka Soomaalida.
Munaasabad lagu xusayey toddobaadka ka hortagga tacaddiyada ka dhanka ah dumarka oo lagu qabtay magaalada Jigjiga, islamarkaana oo uu ka qeybgalay madaxweynaha ismaamulka Soomaalida, ayaa lagu soo bandhigay heerka uu gaaray xadgudubyada dumarka.
Warbixin arrinkaas ku saabsan waxaa Jigjiga kasoo diray wariyaha VOA-da Maxamed Cabdiraxmaan Ugaas Gaataa.
Madal