Jigjiga —
Ururka saxafiyiinta dawlad deegaanka Soomaalida ayaa doorasho ay qabsadeen waxay gudoomiye cusub ugu doorteen in uu noqdo Cabdirsaaq Sheekh Xasan.
Ururkan ayaa deegaanka ka jira muddo labo sano ah iyadoo xilkan guddoomiyinimada ay si ku meel gaadh ah u haysay Ayaan Shukri, waxaana hadda si rasmi ah u beddelay Cabdirsaaq Sheekh Xasan.
Cabdirsaaq Sheekh Xasan ayaa magaalada Jigjiga ugu warramay weriyaha VOA Maxamed Cabdiraxmaan Ugaas Gaataa.