Jigjiga —
Waxaa maanta laga joogaa muddo laba bilood ah markii uu gubtay suuqa weyn ee magaalada Jigjiga ee loo yaqaano Suuqa Taiwan.
Haddaba guddi gaar ah oo loo saaray dhaqaale ururinta iyo dib u dhiska suuqaas ayaa sheegay inay ururiyeen dhaqaale gaaraya 140 milyan oo bir, una dhiganta illaa 2.5 milyan oo dollar.
Guddida ayaa haatan billaabay inay lacag siiyaan dadkii ay hantidoodu ku baaba’day suuqaas.
Weriyaha VOA ee Jigjiga Maxamed Cabdiraxmaan Gaataa ayaa waraysi la yeeshay Sheekh Cabdulqaadir Sheekh Xuseen Sheekh Faarax oo ka mid ah guddida dhaqaale ururinta iyo dib u dhiska Suuqa Taiwan ee Jigjiga.
Madal