In ka badan 30 milyan oo qof, oo in ka badan kala bar ay yihiin carruur, ayaa u baahan gargaar, dalka Suudaan ka dib 20 bil oo dagaal ah, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay Isniinta maanta ah.
Qaramada Midoobay ayaa billowday codsi ay ku ururinayso 4.2 bilyan oo dollar, oo lagu beegsanayo 20.9 milyan oo qof oo ku nool guud ahaan Suudaan, kuwaas oo ka mid ah 30.4 milyan oo qof oo ay sheegtay inay wajahayaan wax ay ugu yeertay "xasarad bani'aadannimo oo aan horay loo arag."
Suudaan waxaa la degay oo ay qarka u saaray macaluul, dagaal ka dhex qarxay bishii April 2023 ciidamada Suudaan iyo xoogaga gurmadka degdegga ah ama Dacmu Sariic.
Dhanka kale, toban qof oo rayid ah ayaa ku dhintay in ka badan 30 kalena way ku dhaawacmeen weerar cirka ah oo ay ciidamadu ka fuliyeen koonfurta Khartoum, sida ay sheegeen shaqaalaha samata-bixinta mutadawiciinta ah.
Weerarkii Axaddii ayaa lala beegsaday aagga suuqa ee Koonfurta caasimadda "markii saddexaad muddo bil gudaheed ah," ayuu yiri qolka gurmadka deg-degga oo qayb ka ah shabakad mutadawiciin ah oo waddanka oo dhan ah oo isku dubarida gargaarka jiidaha hore ee dagaalka.
Kooxdan ayaa sheegtay in dadka dhintay la gubay. Dadka dhaawaca ah oo ka cabanayay gubasho ayaa loo gudbiyay isbitaalka Bashaer ee deegaanka, waxaana 5 ka mid ah xaaladooda ay tahay mid aad u liidata.
Laga soo billaabo April 2023, dagaalka u dhexeeya ciidanka caadiga ah ee Suudaan iyo xoogaga Dacmu Sariic ayaa dilay tobanaan kun oo qof.
Caasimadda oo keliya, rabshado ayaa lagu dilay 26,000 oo qof intii u dhaxaysay April 2023 iyo Juun 2024, sida lagu sheegay warbixin uu soo saaray Machadka caafimaadka ee London School of Hygiene and Tropical Medicine.
Khartoum —
Madal