Toronto —
Jaaliyadda Soomaalida ee deggen xaafadda Scarborough ee ka tirsan magaalada Toronto ee dalka Canada ayaa isugu yimid bandhig ay isku arkayeen, islamarkaana ay kusoo bandhigayeen ganacsiyo qaarkood ay aas-aaseen dhallinyaro ku dhashay ama ku koray magaalada Toronto.
Qaban-qaabiyeyaasha ayaa tilmaamay in arrintan ay dhiirragelin u tahay dhallinyarada si ay u hormariyaan ganacsigooda.
Wariyaha VOA-da ee Canada Xuseen Nuur Xaaji ayaa arrimahan ka wareystay Maxamuud Jirdeh oo ah milkiilaha maqaayadda Sahan, kana mid ah Somali Canadian Centre oo ah ururka soo abaabulay barnaamijkan, ugu horreynya waxa uu waydiiyay waxa uu ku saabsanaa barnaamijka?