Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Soomaalida Minnesota iyo UK oo caawinaya ganacsatada suuqii gubtay ee Waaheen


Suuqa Waaheen ee gubtay
Suuqa Waaheen ee gubtay

Kulan ay shalay isugu yimaadeen, ganacsatada, hogaamiyaasha bulshada, culuma’uddiinka, iyo waxgaradka Soomaalida gobolka Minnesota ayay kaga hadleen sida ugu habboon ee ay Soomaalida ku nool gobolkaasi u caawin karaan dadka ku hanti-beelay dabki baabi’iyay Suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa.

Wariyaha VOA-da ee Gobolka Minnesota, Maxmud Mascadde ayaa kulankaasi ka wareystay Cabdiraxman Cise Kahin oo ka mid ah ganacsatada Soomaalida Minnesota iyo Sabaax Diriye Yuusuf oo u dhq-dhaqaaqda arrimaha bulshada. Cabdirasman Kahin ayaa jawaabta ku hormaraya.

Warbixinta Jaaliyadda Minnesota
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:20 0:00

Dhanka kalana, Jaaliyadaha Somaliland ee Yurub oo kaashanaya Soomaalida guud ahaan ayaa wada dadaalo ay ku caawinayaan dadkii hantidooda ay ku bas beeshay suuqa weyn ee Waahaan ee magaalada Hargaysa.

Keysar Cabdulaahi Maxamed oo ah Wasiir ku-xigeenkii hore ee Arrimaha Dibadda Somaliland oo ku sugan magaalada Bristol ee dalka Britain ayaa gurmadka ay ku howlan yihiin uga waramay Wariyaha VOA-da, Ridwaan Xaaji Cabdiwali.

Warbixinta Jaaliyadda UK
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:02:44 0:00

XS
SM
MD
LG