Dhowrkii bilood ee la soo dhaafay waxaa dalka Maraykanka si tahriib ah ku soo galay tiro dhallinyaro Soomaali ah oo kasoo gudbaya xadka uu Maraykanku la leeyahay dalka Mexico.
Hay’adaha la shaqeeya dadka magangalyo doonka ayaa sheegaya in dumar ay ku jiraan dhallinyarada soo tahriibaysa oo ilaa dalal 10 kor u dhaafaya soo mara ka hor inta ayna Maryakanka soo gaarin.
Wariyaha VOA-da Cabduqaadir Maxmed Mursal ayaa haddaba wareystay Maxamuud Muuse Xasan (BBC) oo ka mid ah hogaamiyeyaasha bulshada, arrimaha dhallinyaradana si dhow ula socda iyo Cali Muxumed Cali oo ka mid dhallinyarada Maraykanka tahriibka kusoo galay.
Hadalkana waxa ku hor maraya Cali Muxumed oo ka warbixinaya goorta uu Maraykanka soo galay.