Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Soomaali U Taagan Baarlamanka Canada


Ra'iisul Wasaare Harper ayaa raadinaya in dib loo doorto
Ra'iisul Wasaare Harper ayaa raadinaya in dib loo doorto

Cabdul Cabdi (Xisbiga Conservative-ka), Faysal Xasan (Xisbiga New Democratic) iyo Axmed Xuseen (Xisbiga Liberal-ka), ayaa raadinaya kursi baarlamaan.

Dalka Canada ayaa waxaa maanta ka billaabanaya doorashada madaxtinimda dalkaas oo ay ku loolamayaan saddexda xisbi ee dalkaas ugu waa weyn kuwaasi oo kala ah xisbiga muxaafidka ee conservative-ka ah iyo kuwa macaaradka ee Liberal-ka iyo dimuqraadiga (NDP).

Doorashadan ayaa waxaa sanadkan ka qeyb galaya saddex qof oo Soomaalida Canada ka mid ah, kuwaasi oo ka kala socda saddexda xisbi ee loolamaya.

Cabdul Cabdi ayaa waxaa uu musharax u yahay xisbiga conservative-ka, waxa uuna ka tartamayaa xaafadda Ottawa West, Faysal Xasan waxa uu musharax u yahay xisbiga New Democratic, waxa uuna ka tartamayaa xaafadda Dixon ee Toronta, halka Axmed Xuseen oo ka tartmaya xaafadda Western Lawrence ee Toronta uu ka socdo xisbiga liberal-ka.

Soomaalida Canada, ayaa aad u rajeynaya in markii ugu horreysay uu qof Soomaali ah ka mid noqdo baarlamanka dalkaas, maadaama saddex musharax ay uga qeyb-galayaan doorashada.

Falastin Axmed Iman ayaa haddaba arrimaha doorashadaas ka wareysatey Muse Cabdulle Kuulow oo ah tifaftiraha wargeyska Somali Tribune oo ku nool magaalada Toronto ee dalka Canada.

Wareysi la xiriira doorashada Canada
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:39 0:00

XS
SM
MD
LG