Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Somaliland oo Maxkamad Horgeyneysa Diyaarad Ku Socotay Puntland


Somaliland oo Maxkamad Horgeyneysa Diyaarad Ku Socotay Puntland
Somaliland oo Maxkamad Horgeyneysa Diyaarad Ku Socotay Puntland

Guddi gaar ah oo ay Somaliland u xil saartay baaritaanka diyaarad saanad militari u sidday Puntland ayay go'aamiyeen in Maxkamad la hor geeyo.

Guddi uu Maamulka Somaliland u xil saaray baaris lagu sameynayay diyaarad saanad militari u siday Puntland, taasoo lagu xannibay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa ayaa go'aamiyay in kiiska diyaaraddaasi lagu hor geeyo maxkamad.

Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiirka Duulista Hawada ee Somaliland ayaa sheegay in xukuumadda Soomaaliland ay saddex dacwadood ku soo oogeyso diyaaraddaasi oo kala Diyaaradda oo ku soo xad gudubtay Hawada Somaliland, Saanadda militari ee ay siddo, iyo rag la socda oo sheegtay inay suxufiyiin yihiin oo u dhashay dalka Koonfur Afrika.

Inkastoo Somaliland ay sheegtay in diyaaraddaasi ay saanadda militari u sidday Puntland, hadda maamulka Puntland weli wax jawaab ah kama uusan bixin arrintaasi.

XS
SM
MD
LG