Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sisi oo caalamka ugu baaqay in xabad-joojin laga hirgeliyo Gaza

Madaxweynaha Masar Abdel Fattah el-Sissi oo ka mid ahaa madaxda carabta ee ka qaybgashay shir uu Shiinuhu u qabtay dalalka Carabta ayaa ugu baaqay beesha caalamka maanta oo Khamiis ah inay ka shaqeeyaan sidii loo joojin lahaa dagaalka Gaza.

Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa isaguna ku dhawaaqay 69 milyan oo dollar oo gargaar bani'aadannimo ah oo loogu talo-galay Gaza, iyo sidoo kale 3 milyan oo dollar oo loogu talo-galay hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga Falastiin.

Warbixin ay VOA ka qortay waxaa inoo haya Xuseen Barre.

Sisi oo caalamka ugu baaqay in xabad-joojin laga hirgeliyo Gaza
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:20 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG