Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sinan Ogan oo taageeray madaxweyne Erdogan


Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa Isniintii xaqiijiyey taageerada musharaxa kaalintii saddexaad ee uu ka galay doorashada ay qasabtay in wareeg labaad la aado.

Codadkii ahaa 5.2 boqolkiiba ee uu helay Sinan Ogan, doorashadii 14-ka May, ayaa Erdogan u diiday guul toos ah markii ugu horreysay muddo 20 sano oo xukun ah.

Ogan ayaa Jimcihii si kala gooni ah ula kulmay Erdogan iyo hoggaamiyaha mucaaradka Kemal Kilicdaroglu.

“Waxaan taageereynaa musharaxa Isbaheysiga Shacabka, Recep Tayyip Erdogan, wareegga labaad ee doorashada ee 28-ka May,” ayuu Ogan weriyayaasha ugu sheegay hadal laga baahiyey taleefishinada.

“Waxaan ku casuumayaa cod-bixiyeyaashii na taageeray wareegga koowaad inay taageeraan Mr. Erdogan wareegga labaad.”

Ogan oo isku tusmeeya inuu taageero xooggan u yahay qarannimada Turkish-ka ayaa dalbada in dalka laga eryo malaayiin muhaajiriin ah, mowqif adagna laga istaago argagixisada, oo uu ula jeedo kooxaha Kurdish-ka ee ka dagaalama xuduudda.

Fallanqeeyayaasha ayaa is-weydiinaya miisaanka ay xambaarsan tahay taageerada Ogan.

Xisbigiisa yar ayaa jiray kaliya dhowr bil, islamarkaana inta badan taageerayaashiisa ayaa u badan kuwa aan ku qanacsaneyn hoggaamiyaha Islaamiga ah ee Erdogan iyo musharaxa calmaaniga ah ee 74 jirka.

Hase yeeshee taageerada Ogan ee Erdogan ayaa caqabad ku ah dadaallada Kilicdaroglu uu ku ballaarinayo taageeradiisa wareegga labaad.

Erdogan ayaa muujiyey inuusan wax ballanqaad ah u sameyn Ogan si uu helo taageeradiisa.

Kilicdaroglu ayaa qoraal uu soo dhigay twitter-ka waxyar kadib go’aanka Ogan ku muujiyey kalsooni.

Waxa uu quwado uusan magacaabin ku eedeeyey “inay iibiyeen dalkeena quruxda badan.”

“Waxaan dalkeena ka badbaadin doonnaa argagixisada iyo qaxootiga. Tani waa afti, cid dadka siri karto ma jirto hadda kadib.”

AFP

Madal

XS
SM
MD
LG