Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa wajahaya ilaa 34 dacwadood oo ah in uu ka been abuuray diiwaanka ganacsigiisa, waxaana haddii dacwadahan lagu helo tiiba uu ku muteysan karaa ilaa afar sano oo xabsi ah.
Dacwaddan ayaa noqoneysa tii ugu horeysay ee taariikhda Mareykanka ee masuul madaxweyne gaaray lagu soo oogo, waxayna ku soo beegmeysaa xilli Trump uu markale u rucleynayo in uu noqdo musharraxa xisbiga Jamhuuriga ee doorashada madaxtinimada Mareykanka ee 2024-ka.
Haddaba, sidee ayuu hannaanka caddaaladda ee Mareykanku u shaqeeyaa? Maxay tahay shaqada xeer beegtida? Dacwadahan ma dhaawacayaan musharraxnimada Trump? Su’aalahan iyo kuwa kale ayuu Maxamed Bashiir Cabdiraxmaan ka wareystay Garyaqaan Amiin Haaruun oo ah qareen deggan gobolka Minneasota.