Brussels —
Dalka Belgium waxaa ka billaabatey maxkamadeynta dad lagu eedeeyey inay ka danbeeyeen weeraro argagixiso oo dalkaas ka dhacay.
Dalka Belgium waxa uu ka mid yahay dalalka ay jaaliyadda muslimiinta oo Soomaalidu ku jirto ay ku badan yihiin, wxaaana marka kiisaska noocan oo kale ah la qaadayo ay bulshada soo xasuusisaa dhaawacyo hore, taas oo saameyn ku yeelan karta dadka muhaajiriinta ah ee ku nool dalka.
Wariyaheena Cabdixaafid Cawil Ismaaciil ayaa noo soo direy.