London —
Xoghayihii Arrimada Dibadda ee Britain Liz Truss ayaa ku guuleysatey in ay noqoto Ra’iisal Wasaaraha Britain ee xafiiska kala wareegi doonta Borris Johnson oo bishii julay xilkaasi iska casilay kaddib culeys kaga yimi golihiisii wasiiradiisa iyo qaar ka mid ah xubnaha Baarlamanka ee xisbiga Conservative-ka.
Liz Truss ayaa xilka qabanaysa xilli adag oo uu socdo dagaalka Ukraine oo saameyn weyn ku yeeshay caalamka, gaar ahaan Yurub, qiimaha maciishada iyo shiidaalka oo kacay iyo sicir-bararka oo halkii ugu sarreysay muddo afartan sano ah ka gaaray Britain.
Warbxin gaar ah oo ku saabsan isbedelka hogaanka Britain waxa magaalada London inooga soo direy wariyaha VOAda Qaarada Yurub Cabdixaafid Caawil Ismaaciil.