Toronto —
Boqoraddii UK Queen Elizabeth ayaa shalay geeriyootay kadib muddo 70 sano ah oo ay haysay taajka boqortooyada. Boqoradda oo qabatay xilka boqortooyo sanadkii sanadkii 1952-kii, ayaa aheyd 96 jir.
Britain oo kaliya ma xukumeyn ee waxaa hoos imaanayay oo ay saameyn ku laheyd dalal ay Britain horey u gumeysatay oo la isku yirahdo Barwaaqa sooranka.
Dalalkaasi kuwa boqortooyada Ingiriiska ay talada ku leedahay weli waxaa ka mid ah Canada, oo geerida boqoradda si weyn looga dareemay.
Wariyaha VOA ee Toronto Xuseen Nuur Xaaji ayaa warbixintan halkaasi ka soo diray.