Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shirka golaha deegaanka ee QM oo ka furmay Nairobi


Shirka Golaha deegaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ka furmay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayada oo ay ka qaygalayaan madaxda iyo wafuud ka kala socota 193-ka dal ee xubnaha ka ah QM.

Shirka ayaa looga hadlayaa sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka arrimaha degaanka iyo cimilada, iyada oo kor loo qaadayo fayodhowrka dadka ugu nugul adduunka.

Hadaba muhiimadda shirkaan iyo qodobada sanadkan looga hadlayo, ayuu Khadar Maxamuud Xareed ka waraystay Cali Maxamed Xassan, oo ah Agaasimaha Waaxda Saadaasha ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada ee Dowladda Soomaaliya oo ka mid wafdiga Soomaaliya uga qaybgalaya shirka.

Shirka golaha deegaanka ee QM oo ka furmay Nairobi
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:37 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG