Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shiinaha oo hakiyay wadahadalladii Mareykanka ee dhinacyada militariga iyo cimilada


Shiinaha ayaa Jimcihii ku dhawaaqay inuu joojiyay wadahadal uu Mareykanka kala lahaa dhinacyo badan, oo ay ku jiraan kuwa militari iyo isbeddelka cimilada, kadib markii ay Shiinuhu ka caroodeen booqashadii afhayeenka Aqalka Wakiilada Mareykanka Nancy Pelosi ay ku tagtay Taiwan.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Shiinaha ayaa sheegtay in ay sidoo kale joojinayso is-weydaarsiga ay Washington la leedahay ee ka hortagga dambiyada xuduudaha iyo ka ganacsiga daroogada, waxaanaa Washington ay dhammaan tillaabooyinkan ku tilmaantay "mas'uuliyad-darro".

Shiinaha oo ka careysan Pelosi oo noqotay qofkii ugu sarreeyay ee Mareykankan ah oo booqda muddo 25 sano ah jasiiradda iskeed isku maamusha oo Beijing u aragto dhulkeeda, ayaa Khamiistii billaabay dhoollatus militari oo ay ku sameynayaan badaha iyo cirka agagaarka Taiwan.

Dhoollatuskan militari oo ah kii ugu ballaarnaa ee abid uu Shiinuhu ka sameeyo marin biyoodka Taiwan, ayaa la qorsheeyay inuu socdo ilaa duhurnimadii Axadda.

Guud ahaan 68 diyaaradood oo milatariga Shiinaha ah iyo 13 markab oo ciidamada badda ah ayaa hawlgallo ka fuliyay marin biyoodka.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa sheegay in Washington ay marar badan si cad ugu sheegtay Beijing in aanay raadinayn xiisad ka dhalatay booqashadii Pelosi ee Taiwan horraantii todobaadkan.

"Ma jirto wax sabab ah oo lagu micneyn karo falcelintan militariga ah ee xad dhaafka ah iyo isku dheelitir la'aanta," ayuu Blinken ku sheegay shir jaraa'id, isagoo raaciyay, "Hadda, waxay qaadeen tallaabooyin halis ah oo heer cusub ah."

Blinken waxa uu carabka ku adkeeyay in Mareykanku aanu qaadi doonin tallaabooyin uu ku kicinayo qalalaase, balse uu sii wadi doono taageerada xulafada gobolka iyo in uu sameeyo marin hawada iyo badda caadiga ah iyada oo loo marayo marin biyoodka Taiwan.

"Waan duuli doonaa, ku dhoofi doonnaa, kana hawlgali doonnaa meel kasta oo sharciga caalamiga ahi inoo oggolaado," ayuu Blinken yiri.

Reuters.

XS
SM
MD
LG