Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shiinaha oo ergey usoo magacaabay Geeska Afrika


Shiinaha ayaa u magacaabey Shu Bing oo ah diblomaasi sare inuu noqdo ergeygooda gaarka ah ee Geeska Afrika, oo ah meel ay colaado ka jiraan sida Ethiopia, Eritrea iyo Somalia.

Shu ayaa hore usoo noqdey safiirkii Shiinaha ee Papue New Guinea, waxaana uu waayo arag u yahay Afrika, iyo America sida ay shaley sheegtey Wasaarada Arrimaha Dibada Shiinaha.

Howsha ergeygan ayaa noqoneysa inuu qaaradda ka iibiyo siyaasadda Shiinaha ee ay u yaqaanaan horumarin nabad ah.

Wasiirka Arrimaha Dibada Shiinaha Wang Yi ayaa ku dhawaaqay bishii Janaayo mar uu booqdey Bariga Afrika in magacaabistan ay qorsheynayeen.

Danaha Shiinaha ee Geeska Afrika oo ay ka mid tahay xarunta ciidamada ee badda ee dalka Jabuuti, oo ah mid ilaalineysa marinka dunida ee maraakiibta. Beijing ayaa siisey deyn dalka aan badda laheyn ee Ethiopia, Ethiopia ayaa ku tiirsan ganacsiga kasoo dega Djibouti.

Gobolka ayaa waxaa sidoo kale caqabadi ka haysataa xasillooni la’aanta ka taagan Koofurta Sudan, halkaasi oo Shiinuhu uu maal-geliyey wax soo-saarka shidaalka, sidoo kale colaada ka taagan Soomaaliya oo mararka qaar usoo gudbeysa dalka dariska la ah ee Kenya oo sidoo kale ay Shiinuhu maal-gelin ku leeyihiin.

XS
SM
MD
LG