Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shiinaha oo ballaadhinaya dhismaha saldhigiisa hawada sare


Qaar ka mida Cirbixiyeenada Shiinaha
Qaar ka mida Cirbixiyeenada Shiinaha

BEIJING — Shiinaha ayaa saddex cirbixiyeen oo cusub u diraya saldhiga hawada sare ee Shiinaha bisha June ee foodda innagu soo haysa, ka dib markii ay toddobaadkan soo laabteen shaqaalihii hore ee Shiinaha ahaa ee ku sugnaa saldhiga hawada sare ee Shiianaha. Shaqaalaha ayaa hawada sare ku maqnaada lix bilood.

Shaqaalahan oo raaci doona dayac-gacmeedka Shenzhou 14 ayaa gaadhi doona saldhiga hawada sare ee Shiinaha oo lagu magcaabo Tiangong, si ay ugu daraan saldhiggaas laba qaybood oo kale, sida uu sheegay Hao Chun oo ah agaasimaha xafiiska Injineernimada hawada sare ee Shiinaha.

Shiinaha ayaa cirbixiyeenkii ugu horreeyey hawada sare u diray sannadkii 2003, iyada oo toban sano ka dib uu Shiinuhu dayac-gacmeed ku dul-dejiyey dayaxa, halka sannadkii horena uu ku guulaystay inuu gaadho meeraha Mars. Qaybaha ugu muhiimsan saldhiga Shiinaha ee hawada sare ee Tiangong ayaa la bilaabay bishii April ee sannadkii hore, waxaana lagu talo jiraa in la dhamaystiro sannadkan.

Shiinaha ayaa noqonaya dalkii saddexaad ee cirbixiyeenno keligiis u dira hawada sare, iyada oo ay hore hawada sare cirbixiyeenno ugu direen dalalka Maraykanka iyo Midawga Soofiyeeti. Tiangong ayaa isna noqonaya saldhiggii saddexaad ee hawada sare ee Shiinahu ka dhisto hawada sare.

Dowladda Shiinaha ayaa sannadkii 2020 waxay ku dhawaaqday in dayax gacmeedkii ugu horreeyay ee dib loo isticmaali karo oo Shiinuhu leeyahay uu si nabad ah u soo degay, ka dib markii ay tijaabisay duulimaadkiisa, laakiin wax sawiro ah ama faahfaahin intaas dheer lagama bixin.

Shiinaha ayaa laga saaray Saldhigga Hawada Sare ee Caalamiga ah iyada oo sababtu ay tahay in barnaamijkeeda hawada sare uu maamulo qaybta milateriga ee xisbiga Shuuciga ah.

Associated Press

XS
SM
MD
LG