Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muwaadinimada Jarmalka oo loo fududeeyay qaxootiga ay Soomaalidu ku jirto


GERMANY/
GERMANY/

Qaxootiga Soomaaliyeed ku nool dalka Jarmalka ayaa si weyn usoo dhoweeyay xeer cusub oo ay soo saartay dowladda Jarmalka, kaasoo dadka qaxootiga loogu fududeynayo qaadsahada muwaadannimada waddankaasi oo markii hore aad ugu adkeyd dadka soo galootiga ah oo ay ugu hooreeyaan Soomaalida.

Tallaabadan ayaa timid kadib markii dhowaan hay’adaha sharciga dajinta ee Jarmalka ay meel mariyeen xeer u ogolaanaya dadka qaxootiga inay codsan karaan muwaadin una fududeynaya.

Somaali badan oo qaxooti ku ah dalkaasi ayaa caqabado gaar ah oo ka duwan qaxootiga kale taasoo ah in dowladda Jarmalka aysan aqoonsaneyn documentiyada kasoo baxa dowladda Soomaaliya kuwaasoo caddeynaya soomalimadooda..

Haddaba Maxamed Cabdullaahi Farxalay oo madax ka xarunta SEKO ee u dhaqdhaqaaqda arrimaha qaxootiga Soomaaliyeed ee Jarmalka ayaa Cabdulqaadir Mursal uga warramay sharcigan cusub iyo waxa uu uga dhigan yahay Soomaalida ku nool dalkaasi.

Wareysi ku saabsan dhalashada Jarmalka
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:00 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG