Maalin kasta waxaa caalamka ka dhaca dhacdooyin kala duwan oo xiiso badan, oo qaarkood markaad aragto sawirrada laga soo qaaday aad la cajabeyso. Haddaba idaacadda VOA-da ayaa idiin soo ururisay qaar ka mid ah sawirrada dhacdooyinka caalamka ee xiisaha badan ee hoos ka daawo.
Sawirrada Maanta: Sep. 30 2015

1
Dhallinyaro Falastiiniyiin ah oo iska daboolaya sunta dadka ka ilmeysiisa iyo dhawaqa bambooyin ay soo tuureen ciidamada Israel, xilli ay dibad-bax ka dhigayeen magaalada ku taalla daanta galbeed ee Hebron.

2
Baabuur ku socota waddo tagta dalka Malaysia oo ka baxday Singapore, xilli boor badan ka kacay dalkaas.

3
Dad ku hoos socda dallado lagu soo bandhigay magaalada Seoul ee dalka Korea-da Koonfureed, taasi oo qeyb ka ah olole caruurta lacag loogu uruurinayey.

4
Dadka oo dhinac maraya geedo soo dhacay iyo mootooyin bur-buray, kadib duufaantii Dujuan ee ku dhufatay magaalada Taipei ee dalka Taiwan.