Isku xirrada

War Deg-Deg ah

60 sano kadib xoriyaddii Kenya, waa sidee xaaladda gobolka Soomaalida?


Kenya ayaa maanta u dabaal dagaysa 60-sano guuradii kasoo wareegatay markii ay xorriyadda ka qaadatay guumaystihii Ingiriiska sanadkii 1963-kii.

Magaalada Nairobi ayaa lagu qabtay munaasabadaha dabaal dagga maalintan oo ay kasoo qaybgaleen madax kala duwan oo gobbolka ka kala yimid.

Boqorka Britain King Charles II iyo xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka iyo madax kala duwan oo caalamka ah ayaa Dowladda Kenya ugu hambalyeeyey munaasabadda maalintan oo ahayd xigligii ay Kenya noqotay dal madax banaan oo isagu is-maamula.

Hadaba, waa sidee xaaladda gobolka Soomaalida Kenya ee Waqooy Bari 60-sano kadib, maxayse Soomaalida Kenya ku xasuustaan maanta oo kale?

Khadar Maxamuud Xareed ayaa su’aalahaasi iyo kuwo kale wuxuu waydiiyay Maxamed Hire Gaarane oo kamid ah siyaasiyiinta Soomaalida ee Waqooyi Bari Kenya, sidoo kale-na horay u soo noqday xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Kenya.

60 sano kadib xoriyaddii Kenya, waa sidee xaaladda gobolka Soomaalida?
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:03 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG