Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Safar taariikhi ah oo ay madaxweynaha Tanzania ku joogto dalka Maraykanka


Madaxweynaha Tanzania Samia Hassan iyo Madaxweyne ku xigeenka Maraykanka Kamala Harris
Madaxweynaha Tanzania Samia Hassan iyo Madaxweyne ku xigeenka Maraykanka Kamala Harris

WASHINGTON - Madaxweyne ku xigeenka dalka Maraykanka Kamala Harris ayaa aqalka cad ku soo dhoweysay madaxweynaha dalka Tanzania Samia Suluhu Hassan, waana kulan taariikhi ah oo dhexmaraya haweenaydii ugu horraysay ee madaxweyne ka noqota dalka Tanzania iyo haweenaydii ugu horraysay ee madaxweyne ku xigeen ka noqota dalkan Maraykanka.

Kulankooda ka hor, madaxweyne ku xigeenka Maraykanka ayaa weriyayaasha faahfaahin ka siisay qodobada ay ka wada hadlayaan madaxweynaha dalka Tanzania, waxaana ka mid ahaa qodobada ay tilmaantay in laga wada hadlayo, xoojinta dimoqraadiyadda, maalgashiga iyo koboca dhaqaalaha iyo caafimaadka.

Madaxweyne Harris ayaa tidhi "Maamulkayaga waxaa si qoto dheer uga go'an inuu xoojiyo xidhiidhka Tansaaniya iyo guud ahaan dalalka Afrika,".

Samia Hassan ayaa loo doortay xilka madaxweynaha ka dib markii uu geeriyooday madaxweynihii dalkaas John Magufuli bishii March ee sannadkii 2021, waxaana Samia ay xilligaas ahayd madaxweyne ku xigeenka dalka.

Madaxweyne Samia Hassan ayaa sheegtay inay doonayso in siyaasaddeeda arrimaha debeddu ay xoogga saarto dhinaca maalgashiga iyo sidii ay usoo jiidan lahayd maalgashadayaasha, si taas loo gaadhona waxay kulamo la qaadatay hoggaamiyayaasha dalalka Shiinaha, Midawga Yurub, Ingiriiska, Ruushka iyo Khaliijka.

Dalka Tanzania wuxuu ka mid yahay 11 dal oo Afrikaan ah oo Maraykanku ka caawiyo dhinaca tallaalka xanuunka COVID19. Madaxa Hay’adda kaalmada debedda ee Maraykanka Samantha Power oo Khadka isgaadhsiinta ee la iska arko kula hadashay madaxweynaha Tanzania bishii March ee sannadkan ayaa ku dhawaaqday inay dalka Tanzania u fidin doonaan kaalmo dheeri ah oo gaadhaysa illaa $25 million. Xisaabtan waxaa dheeri ka ah lacag gaadhaysa $42 million oo dollar iyo 4.5 million oo tallaal ah oo Maraykanku ugu deeqay dalka Tanzania si ay ula dagaalamaan xanuunka COVID19.

Si kastaba ha ahaatee haddii aan Congressku ansixinin lacagta gaadhaysa $5 billion oo dollar ee loogu talo galay in lagu tacaalo xanuunka COVID19, wixii loo gaadho bisha September ee sannadkan, hay’adda USAID ma awoodi doonto inay sii waddo nidaamka tallaal qaybinta ee Global Vax ee ay ku taageerto dalal badan oo caalamka ah oo dalka Tanzania uu ka mid yahay.

Maaamulka Biden ayaa dejiyey qorshayaal uu mudnaan gaar ah ku siinayo inuu gacan u fidiyo dalalka Afrika sida inuu kala shaqeeyo ka soo kabashada xanuunka COVID19, la dagaalanka isbedelke cimilada, kor u qaadista ganacsiga iyo maalgashiga iyo in la taageero dimoqraadiyadda.

XS
SM
MD
LG