Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sacuudiga oo ku boorriyay muwaadiniintiisa inay si degdeg ah uga baxaan Lubnaan


Saudi Arabia History of Succession
Saudi Arabia History of Succession

Sacuudi Carabiya ayaa ugu baaqday muwaadiniinteeda in ay si degdeg ah uga baxaan dhulka Lubnaan, ayna ka fogaadaan inay kusoo dhawaadaan meelaha ay ka dhaceen iska horimaadyada hubeysan, sida ay sheegtay safaaradda Sacuudi Carabiya ee Lubnaan.

Boqortooyada Sacuudigu ma aysan cayimin meelaha ay Lubnaan kula talisay muwaadiniinteeda inay ka fogaadaan.

Safaaradda ayaa carrabka ku adkeysay “muhiimadda ay leedahay in loo hoggaansamo xayiraadda socdaalka Sacuudiga ee Lubnaan,” sida lagu sheegay qoraalka safaaradda oo lagu daabacay boggeeda shabakadda X.

Kuwait ayaa sidoo kale soo saartay la-talin subaxnimadii Sabtida, taas oo ay baaqday muwaadiniinteeda ku sugan Lubnaan inay feejignaadaan oo ay ka fogaadaan "meelaha ay ka jiraan khalkhal gelinta amniga" sida lagu sheegay bayaan ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Kuwait oo lagu daacabacay X.

Kowdii bishan, UK ayaa sidoo kale cusboonaysiisay talo-bixinteeda safar ee Lubnaan, iyada oo ka digtay "dhammaan safarka lama huraanka ah" ee qaybo ka mid ah koonfurta Lubnaan ee u dhow xerada Falastiin ee Ain el-Hilweh.

Reuters.

Madal

XS
SM
MD
LG