Sacuudi Carabiya ayaa dhistay isbaheysi caalami ah ka shaqeeya helidda xal laba dowladood ah oo laga gaaro colaadda Israel iyo Falastiin, waxaa sidaas Khamiistii sheegay wasiirka arrimaha dibadda Amiir Faysal bin Farhan Al Saud, oo ka dhinaca hadlay shirka Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ee New York.
Isbaheysigan ayaa waxaa ku jira dalal dhowr oo Carab iyo Muslimiin ah iyo saaxiibo reer Yurub ah, sida ay ku warantay wakaalada wararka ee dowladda Sacuudiga, iyadoo aan la shaacin magacyada dalalka.
Madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub Josep Borrell ayaa sheegay in kulamada ugu horreeya ay ka dhici doonaan Riyadh iyo Brussels.
Ka dib markii bishii October 2023 uu qarxay dagaalka Gaza ee u dhexeeya Israel iyo kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas ee maamusha Gaza, Sacuudi Carabiya ayaa hakisay qorshe uu Maraykanku waday oo ku saabsan in boqortooyadu ay xiriir la yeelato Israel, sida ay sheegeen laba il-wareed oo xog ogaal ah, horraantii sanadkan.
“Hirgelinta xalka laba dowladood waa xalka ugu wanaagsan ee lagu jabin karo colaadda iyo dhibaatada soo noqnoqotay, laguna dhaqan gelin karo xaqiiqo cusub oo gobolka oo dhan, oo ay ku jirto Israel, ay ku naaloonayaan amni iyo wada noolaansho” ayuu yiri Amiir Faisal Bin Farhan.
Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa sheegay todobaadkii hore in boqortooyada aysan aqoonsan doonin Israel ayada oo aan la helin dowlad Falastiin, wuxuuna si kulul u cambaareeyay “dambiyada duullaanka Israel” ee ka dhanka ah shacabka Falastiin.
Israa'iil iyo Xamaas ayaa dagaal uu ka dhaxeeyey tan iyo markii rag hubeysan oo ka tirsan kooxda Falastiniyiinta ee ku sugan Marinka Gaza ay weerar ku qaadeen koonfurta Israel, 7-dii Octobar, halkaas oo ay ku dileen 1,200 oo qof, ayna ku qabsadeen ilaa 250 la haystayaal ah.
Israel ayaa ku jawaabtay weerar militari oo ay ku qaaday Gaza kaas oo lagu dilay in ka badan 41,500 oo Falastiiniyiin ah, sida ay sheegeen maamulka caafimaadka ee Gaza.
Israel ayaa dhinaca kale sheegtay inay sii wadi doonto ololaheeda xooggan ee ka dhanka ah kooxda Xizbullah ee Lubnaan, ka dib ku dhawaad sanad ay labada dhinac ay gantaallo isku weydaarsanayeen xuduudda.
Sidaas oo ay jirto, haddana Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu waxa uu maanta sheegay in Israel ay sii wadi doonto inay ka xajaooto hindisayaasha ku aadan xabad-joojin lala galo Xizbullah.
Hadalkiisa ayaa yimid kadib markii Washington ay ka digtay in dagaalka uu ka sii dara uu sii adkeyn doono in shacabka labada dhinac ay guryahooda ku soo noqdaan.
Reuters
New York —
Madal