Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sacuudi Carabiya oo dareemeysa in Mareykanka 'uu garabkeeda ka baxay'


Turki al-Faisal
Turki al-Faisal

Sacuudi Carabiya ayaa dareemeysa in Mareykanka “uu garabkeeda ka baxay” xilli ay wajaheyso halis iyo dhaq-dhaqaaqa Xuutiyiinta dalka Yemen, waxaa sidaas yiri madaxii hore ee sirdoonka dalkaas ahna xubin ka mid ah boqortooyada.

Xiriirka labadan dal oo sanado badan xulufo ahaa ayaa liitay tan iyo markii uu xukunka la wareegay madaxweynaha Maareykanka Joe Biden, ayada oo loo sababeynayo dilkii suxufiga reer Sacuudi ee Jamaal Khaashuqji ay saraakiil Sacuudiyaan ah ugu gaysteen qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul 2018-kii.

“Sacuudi Carabiya waxay xiriirka u aragtaa mid muhiim ah, balse waxay dareemeysaa in Mareykanka uu garabkeeda ka baxay xilli aan u maleynay in Mareykanka iyo Sacuudiga ay si wadajir ah u wajahaan wax aan u aragnay halis wadajir ah oo soo wajahaday ammaanka iyo xasilloonida gobolka,” ayuu yiri Amiir Turki al-Faisal, oo ka hadlayey weerarada Xuutiyiinta ay ku qaadaan Sacuudiga.

Turki al-Faisal ayaa hadalkan ku sheegay wareysi muuqaal ah oo uu siiyey wargeyska Arab News oo la baahiyey Isniintii.

Sacuudiga iyo Imaaraadka oo isku haleeya dallada amniga Mareykanka, ayaa ka careysan wax ay u arkaan hoos u dhigid Mareykanka uu ku sameeyey ballan-qaadkiisii gobolka.

“Dhibaatooyin dhowr ah waa aragnay marar badan, waxaana macquul ah in tani ay taas qeyb ka tahay, gaar ahaa tan iyo markii madaxweynaha Mareykanka uu ololihiisa doorashada ku yiri inuu Sacuudiga cidleynayo, waxaana laga yaabaa inuu hadda taas ka dhabeynayo,” ayuu yiri Amiir Turki.

Safiirkii hore ee Sacuudiga ee Washington, Amiir Turki ayaa tiriyey go’aano dhowr ah oo uu qaatay Biden, sida inuu joojiyey taageerada Mareykanka ee weerarada ay xulufada Sacuudiga ka wadaan Yemen, inuusan weli la kulmi dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salman, iyo inuu habka difaaca gantaallada Mareykanka uu mar kala baxay Sacuudiga.

Si kastaba, Mareykanka ayaa bilihii dhowaa sare u qaaday taageerada militari ee uu siiyo Riyadh si loo hagaajiyo xiriirka Riyadh, sida ay sheegeen diblomaasiyiin Reer Galbeed ah.

Amiir Turki ayaan wax xil ah iminka ka hayn dowladda Sacuudiga, hase yeeshee weli waa nin saameyn leh isaga oo ah guddoomiyaha Xarunta Cilmi-baarista iyo Daraasaadka Islaamiga ah ee Boqor Faysal.

REUTERS

XS
SM
MD
LG