Ankara —
Dhulgariirkii toddobaadkii hore ku dhuftay dalalka Syria iyo Turkey oo kumanaan qof ay ku dhinteen, ayaa sidoo kale gilgilay rajada siyaasadeed ee hoggaamiyayaasha Turkiga iyo Suuriya.
Falanqeeyayaasha ayaa sheegay in dadka qaar ay u arkaan dariiq degdeg ah oo lagu caadiyeynayo nidaamka madaxweynaha dadkiisu diidan yihiin ee Suuriya Bashar al-Assad, halka weerarrada dhaleeceynta ah ay hareeyeen madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, taasoo su'aal galisay dib usoo doorashadiisa.
Wariyaha VOA, Dale Gavlak ayaa warbixintan ka soo diray magaalada Cammaan ee dalka Jordan. Falastiin Axmed Iiman ayaa soo koobeysa.
Facebook Forum