Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ruushka oo ka digay dagaal la isku adeegsado hubka Nukliyeerka


FILE - State Duma speaker Vyacheslav Volodin attends the Victory Day military parade at Red Square in Moscow on May 9, 2021.
FILE - State Duma speaker Vyacheslav Volodin attends the Victory Day military parade at Red Square in Moscow on May 9, 2021.

Nin ay isku dhow yihiin madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa sheegay Axadda maanta ah in hubka culus ee la siiyay Kyiv ay khatar gelineyso dhulka Ruushka, taasi oo horseedi doonta musiibo caalami ah, ayna ka dhig doonto doodaha ka dhanka ah isticmaalka hubka wax gumaada ee Nukliyeerka kuwo daciif ah.

Vyacheslav Volodin, oo ah afhaayeenka aqalba hoose ee baarlamaanka Ruushka ee loo yaqaan Duma ayaa ka digay in taageerada Mareykanka iyo NATO ee Ukraine ay dunida u horseedeyso dagaal xun.

“Haddii Washington iyo dalalka NATO ay geeyaan hub loo isticmaali doono in lagu weeraro magaalooyinkeenna, ayna isku dayaan in ay qabsadaan dhulkeenna, sida ay ku hanjabeen, tani waxa ay horseedi doontaa tillaabooyin aargoosi ah iyadoo la isticmaalayo hubka aadka u xoogga badan,” ayuu Volodin ku sheegay app-ka farriimaha lagu wadaago ee Telegram-ka.

Waxa uu sheegay in doodaha ku saabsan in quwadaha nukliyeerka aysan horay hubka wax gumaada ugu adeegsan colaadaha maxalliga ah ay yihiin kuwa hadda meesha ka baxaya, isaga oo sababtana ku sheegay in dowladahaasi aysan wajihin xaalad khatar gelineysa amniga muwaadiniintooda iyo midnimada dhuleed ee dalka, sida uu yiri.

XS
SM
MD
LG