Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ruushka iyo Ukraine kala saxiixanaya heshiiska dib loogu soo celinayo dhoofinta qamadiga


Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in Jimcaha maanta ah ay Ruushka iyo Ukraine magaalada Istanbul ku kala saxiixa doonaan heshiis oggolaanaya in dib loo furo dekadda Odesa ee Badda Madow ee dalka Ukraine.

Tallaabadan ayaa fududeyn doonto in dib loo billaabo dhoofinta malaayin tan oo qamadi ah oo muddo bilooyin ah ku xayiran dekadaha Ukraine.

Dhoofinta qamadiga Ukraine ayaa hakad u galay duullaanka uu Ruushka ku qaaday Ukraine dhamaadki bishi Febraayo ee sannadkaan. Taasi waxay keentay qalalaaso ku yimid cuntada adduunka, gaar ahaan qamadiga, burka iyo rootiga.


Heshiiska ayaa waxaa goob joog ka noqon doona, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres iyo madaxda Turkiga.

XS
SM
MD
LG