Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ron DeSantis oo ku biiray loolanka loogu jiro Aqalka Cad


Ron DeSantis
Ron DeSantis

Barasaabka gobolka Florida Ron DeSantis ayaa si rasmi ah Arbacadii ugu dhowaaqay inuu u ordayo loolanka xubnaha Jamhuuriga ee xilka madaxweynaha Mareykanka , isaga oo kulan dadweyne ku qabtay Twitter Space.

“Waa inaan soo afjarnaa dhaqanka guuldarrada ee sanadihii dhowaa asiibay Xisbiga Jamhuuriga,” ayuu yiri DeSantis oo kumanaan qof ay dhageysaneyeen, oo uu ka mid yahay milkiilaha Twitter Elon Musk.

Intii uu socday kulanka, ayaa Twitter Space-ka waxaa asiibay cilad keentay in kumanaan qof ay ka baxaan khadka, oo uu ka mid yahay DeSantis, waxaana markii dambe barta wareegay hashtag #DeSaster.

Ku-biiritaanka loolanka Xisbiga Jamhuuriga ee DeSantis ayaa billaabeysa tartan adag oo dhexmari doono isaga iyo Donald Trump oo mar xulufo ahaa, kaasi oo looga adkaaday doorashadii 2020 ee lagu doortay Joe Biden.

Barasaabka Florida ayaa isku calaameeyey inuu yahay hoggaamiye shaqadiisa kasoo baxa oo mar is-hortaagay dowladda federaalka oo ay isku qabteen siyaasaddii COVID-19.

Waxa uu difaacay dadaalladii uu Florida uga mamnuucay in iskuullada lagu dhigo casharo ku saabsan aqoonsiga jinsiga qofka iyo cunsuriyad wadareedka, isaga oo sheegay inuu ka ilaaliyey caruurta siyaasadda bidixda fog.

Ayada oo magaciisa qaranka uu sare usii kacayo, islamarkaana haysta taageero dhaqaale oo xooggan, DeSantis oo 44 jir ah ayaa durba noqonaya ninka uu Trump kala kulmi doono loolanka ugu xooggan.

“Dowladdu ma ahan madadaalo ama inaad dhisto magacaaga,” ayuu yiri DeSantis oo u muuqda mid duraya Trump. Hase yeeshee marnaba ma xusin magaca Trump.

Trump oo 76 jir ah ayaanse ka gaban inuu ku jeesjeeso DeSantis, isaga oo duraya ololihiisa ku billowday ciladda qabsatay Twitter Space-ka.

Codadka ra’yiga ayaa muujinaya in Trump uu aad uga horreeyo DeSantis, ayada oo taageeradiisa Jamhuuriga ay laba mar ka badan tahay tan DeSantis.

REUTERS

Madal

XS
SM
MD
LG