Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Real Madrid oo 103 milyan oo euro kusoo iibsatay Jude Bellingham


Dortmund Jude Bellingham lors du match de football de 1ère division entre le Borussia Dortmund et le TSG 1899 Hoffenheim à Dortmund, en Allemagne, le 27 août 2021.
Dortmund Jude Bellingham lors du match de football de 1ère division entre le Borussia Dortmund et le TSG 1899 Hoffenheim à Dortmund, en Allemagne, le 27 août 2021.

Kooxda Borussia Dortmund ayaa oggolaatay inay ciyaaryahankooda khadka dhexe iyo xulka England Jude Bellingham ay Real Madrid uga iibiso qiimo dhan 103 milyan oo Yuuroow una dhiganta 110.4 milyan oo doolar, sida ay sheegtay kooxda horyaalka Bundesliga maanta oo Arbaco ah.

Bellingham ayaa noqon doona xiddigii 3-aad ee ay Real Madrid kula soo wareegto lacag dhan 100 milyan oo euro kadib Gareth Bale (2013) iyo Eden Hazard (2019).

"Marka la xaqiijiyo wareejintan, Real Madrid waxay BVB siin doontaa 103 milyan oo Yuuro," ayay Dortmund ku tiri hadal ay soo saartay.

19-sano jirkaan, oo lala xiriirinayay dhowr kooxood oo waaweyn oo Yurub ah, ayaa Dortmund kaga soo biiray Birmingham City 2020 lacag dhan 25 milyan ginni ($ 31.17 milyan), isagoo noqday 17 jirkii ugu qaalisanaa taariikhda kubada cagta.

Bellingham ayaa ku biiri doona khadka dhexe ee qaniga ah ee Real Madrid, halkaas oo uu ka garab ciyaari doono da'yarta kala ah Federico Valverde, Eduardo Camavinga iyo Aurelien Tchouameni iyada oo ay kooxdu doonayso in ay mustaqbalka dhisto marka ay badasho xiddigaha mudada dheer ee Toni Kroos iyo Luka Modric.

Reuters.

Madal

XS
SM
MD
LG