Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ra'yi Ururinta VOA ee Dastuurka Cusub.


Halkan ka Daawo Ra'yi Ururinta 1aad

Halkan ka Daawo Ra'yi Ururinta 2aad

Halkan Ka Daawo Ra'yi Ururinta 3aad

Horudhac

Soomaaliya waxa ay yeelan doontaa dastuur cusub, taasoo ah tallaabadii ugu horeysey ee ay Soomaaliya u qaaddo dhinaca helitaanka dowlad rasmi ah. Idaacadda Codka Mareykanka (VOA), laanteeda Af-Soomaaligu waxa ay Soomaalida weydiisey in tallaabadan koobaad ay ka qeyb qaataan. Waxa ay VOA boggeeda Internet-ka ku daabacdey dastuurka cusub gebi ahaantiis. Waxana VOA ay sameysey ra’yi ururin qaran ooy telefan kaga qaaddey dalka oo dhan iyo xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab, iyadoo Soomaalida ay wax ka weydiineysa qeybaha muhiimka ah ee dastuurka. Natiijooyinka ra’yi ururintaasi waxa ay muujiyeen nooca ay yihiin dowladda iyo dalka Soomaalidu rabto in ay yeelato.

Waxa ra’yi ururintu muujisey in Soomaalidu ay dooneyso in Soomaaliya sharciyadeeda madaniga iyo kuwa dambiyadaba ay ku saleysnaadaan Shareecada Islaamka.Waxa dadweynuhu doonayaa dowlad dhexe oo xooggan, iyo in awood yar la siiyo dowlad-goboleedyada. Waxa dadku ku kala qeybsameen doorka dumarka ee dowladda. Waxa kale oo Soomaalidii lala hadley ku kala aragti duwanaadeen in dowlad-goboleedyadu ay dastuur u gaar ah yeeshaan iyo in kale. Sidoo kale, waxa la isku maandhaafey +tirada uu noqonayo xilliga uu madexweynaha cusub uu xafiiska madextinimada heyn doono. Waxa Soomaalidu ay si aad ah u taageertey xoriyadda saxaafadda. Mana doonayaan in caruurta da’doodu ka yartahey 18 jir loo adeegsado iska horimaadyada hubeysan.Waxa Soomaalidu ay aqlabiyad weyn ku muujiyeen in ay doonayaan in dadweynuhu ay dastuurka afti qaran ugu codeeyaan.

Ma jirto afti loo qaadayo dastuurka xilligan la joogo. Hannaanka lagu ansaxinayo dastuurku waxa uu ku baaqayaa in 825 qof oo laga soo xuley bulshada ay dastuurka ansixiyaan si ku-meel-gaar ah. Aakhirataanka, baarlamanka cusub ee Soomaaliya ayaa qodobada muranku ka taaganyahey sharci hoosaadyo ka soo saari doona. Aragti ururinta telefoonka ee ay VOA ka samaysay Soomaalida iyo barnaamijka dadweynuhu aragtidooda ku dhiibtaan ee raadiyaha ee loo baxshey “Madasha Dastuurka”, intuba waa iskudey ay VOA dadweynaha Soomaalida ku siineyso fursad u ogolaaneysa in ay fikirkooda kaga dhiibtaan dastuurka ayna ku maqlaan afkaarta ay dastuurka ka qabaan dadka deriskooda iyo muwaadiniinta kaleba.

Natiijada ra’yi ururintaas waxa lagu soo daabacey ood ka heli kartaan bogga Internetka Laanta Af-Soomaaliga ee VOA oo ah: voanews.com/Somali/news.

Sida Ra’yi Ururinta Loo Sameeyey

Saddex ra’yi ururin oo kala duwan ayaa la sameeyey intii u dhaxaysay 4/20/12 iyo 6/10/12. Ra’yi ururin kasta waxaa ka qaybqaatay 1,075 qof oo telefoonka lagu waraystay. Lambarrada telefoonnada waxay qayb ka ahaayeen kayd ay ku xaraysan yihiin 20,000 lambarro telefoon ah. Qiyaas ahaan 20% telefoonnadaas ayaa ka yimid dad iyagu iskood usoo diray telefoonnadooda si ay daraasadda uga qaybqaataan, kadib markii ay idaacadda VOA laanta afka Soomaaliga ka dhagaysteen barnaamijka. Ilaa 80% telefoonnada waxaa si bakhtiyaa nasiib ah looga soo saaray diiwaanka guud ee telefoonada. Maadaama saambalka ra’yi ururinta ee la sameeyey uusan ahayn mid joogto ah ugu dhacay qaab bakhtiyaa nasiib ah, natiijada ra’yi ururintu waxay ka turjumaysaa oo keliya aragtida kuwa dadka daraasadda ka qaybqaatay, waana inaan loo qaadan inay ka turumayso aragti guud ahaan dadweynaha Soomaaliya.

Dhammaan telefoonnada daraasadda waxaa lagu wacay shan degaan oo kala ah: Muqdishu, Puntland, Somaliland, Koonfurta iyo Badhtamaha Soomaaliya iyo Xeryaha Qaxootiga Dadhaab ee Kenya. Lambarrada waxaa loo wacay si bakhtiyaa nasiib ah. Lambar kasta waxaa la wacay mar keliya.

Telefoonnada waxaa laga wacay Washington DC iyo gudaha Soomaaliya. Dhammaan telefoonnada waxaa wacay shaqaale u shaqaynaya VOA.

Telefoonnada waxaa laga dhex diray barnaamij kombiyuutarka ah oo ay daraasadan darteed u abuureen farsamayaqaannada shirkadda Google Ideas.

Yaa Ka Jawaabay Su’aalaha

Inta badan dadka ka qaybqaatay daraasadda waxay ahaayeen rag. Intooda badan waxay da’doodu u dhaxaysaa 15 ilaa 44 sano. Jawaabaha inta badan waxay ka yimaadeen Muqdishu sababo la xiriira dadka iyo farsamada kombiyuutar sida ay ugu guulaysato wicitaanka meelaha leh imkaaniyaadka isgaarsiinta. Jawaabaha ugu yar waxay ka yimaadeen Dhadhaab sababo la xiriira imkaaniyaadka isgaarsiinta iyo Koonfurta iyo Badhtamaha Soomaaliya sababo iyaguna la xiriira saamaynta ay ku leeyihiin kooxaha xagjirka.

Faahfaahinta qaybaha iyo degaannada ka qaybqaatay daraasadda waxaad ka hoos heli kartaa barta “details”.

XS
SM
MD
LG