Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Odinga oo hakiyay dibadbaxyada ka dhanka ah dowladda Ruto


Isbahaysiga mucaaradka Kenya oo toddbaadyadii lasoo dhaafay dibadbaxyo looga soo horjeeday dowladd madaxweyne Ruto waday ayaa shaaciyay inay hakiyeen dibadbixii maanta lagu waday inay ka dhigaan qeybo kamid ah dalka Kenya.

Arrintan ayaa ka dambysay kadib markii madaxweyne Ruto uu goor sii horaysay oo Axidii ah uu hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga ugu baaqay inuu joojiyo dibadbaxyada, waxaana arrintan sidoo kale qeyb ka ah dadaallada ay wadaan beesha caalamka oo Maraykanka uu kamid yahay ee ay dhinacyada ugu baaqayaan inay khilaafka wadahadal ku dhameeyaan.

Faahfaahinta warkan waxaa Nairobi nooga soo direy wariyaheena Khadar Maxamuud Xareed.

Odinga oo hakiyay dibadbaxyadii Kenya.mp3
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:58 0:00

XS
SM
MD
LG