Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Odinga oo iclaamiyay dibadbaxyo kale oo ka dhan ah dowladda Ruto


Interview with Kenyan opposition leader Raila Odinga in Nairobi
Interview with Kenyan opposition leader Raila Odinga in Nairobi

Hoggaamiyaha Mucaaradka Kenya Raila Odinga ayaa ku dhawaaqay fasax dadweyne oo maalinta Isniinta ah ee 20-ka bishan ka dhaqangalaya dalka Kenya, waxaana hadalkan uu jeediyay xilli uu la hadlayay taageerayaashiisa.

Dalka Kenya, wali waxaa kasii socda dibadbaxyada ay dhigayaan masuulyiinta xisbiga Azimio iyo taageerayaashiisa kaasoo doorashadii sanadkii hore looga adkaaday, balse dhowaan shaaciyay inay qaaddaceen natiijada doorashada oo aysan Madaxweyne Ruto u aqoonsanayn Madaxweyne.

Wasiirka Difaaca Kenya Aden Barre ayaa sidoo kale sheegay in Raila uu doonayo in laga qeybgalayo dowladda Madaxweyne Ruto balse ay iyagu diidan yihiin.

Khadar Maxamuud Xareed ayaa faahfaahinta innoo haya.

ODINGA oo ku dhawaaqay dibadbaxyo waaweyn oo ka dhan dowladda Ruto.mp3
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:59 0:00

XS
SM
MD
LG