Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Rag lagu tuhunsan yahay dilka madaxweynihii Haiti oo Mareykanka lagu maxkamadeynayo


Suspects in the assassination of Haiti's President Jovenel Moise sit on the floor handcuffed after being detained, at the General Direction of the police in Port-au-Prince, Haiti, July 8, 2021.
Suspects in the assassination of Haiti's President Jovenel Moise sit on the floor handcuffed after being detained, at the General Direction of the police in Port-au-Prince, Haiti, July 8, 2021.

Afar nin oo si aada loogu tuhunsan yahay inay ka tirsanaayeen koox aad u hubeysneyd oo gurigiisa ku dishay madaxweynihi hore ee dalka Haiti
Jovenel Moïse, ayaa loo soo gacan-geliyay dalkan Mareykanka, si halkaan loogu maxkamadeeyo.

Sida ay ku warrantay wakaaladda wararka Mareykanka ee AP, arrintan ayaa ka danbeysay kaddib marki dil loogu hanjabay garsoorayaasha Haiti ee dhageysanaysay kiiska ragga lagu tuhunsanyahay dilka madaxweynihi Haiti.

Eedeysanayaasha loo soo gudbiyay Mareykanka ayaa waxaa ka mid ah James Solages oo 37 jir ah iyo Joseph Vincent oo 57 jir ah, oo labaduba isku heysta dhalashada Haiti iyo Mareykanka.

Madaxweynihi hore ee Haiti Juvenel Moise ayaa lagu dhiftay 12 xabbadood xilli ay ku sugnaa hoygiisa oo ku yaalla caasimadda Haiti ee Port-au-Prince bishii July, 7 2021.

Wixii markaasi ka danbeeyay Haiti waxay gudaha u sii gashay qalalaase siyaasadeed iyo rabshado hubeysan oo ay ku lug leeyihiin kooxo burcad ah oo kala qeybsaday awoodda inta badan magaalooyinka dalkaasi.

XS
SM
MD
LG