Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ra'iisul Wasaaraha Pakistan Imran Khan oo loo qaadayo codka kalsoonida


Ra'isul Wasaaraha Pakistan Imran Khan
Ra'isul Wasaaraha Pakistan Imran Khan

Ra'isul Wasaaraha Pakistan Imran Khan ayaa wajahaya olole xooggan oo ka dhan ah xukuumaddiisa, kaas oo xisbiyada mucaaradka iyo xubno ka tirsan xisbigiisa ay qorsheynayaan inay u qaadaan codka kalsoonida.

Mucaaradka ayaa ku andacoonaya in ay heystaan codad ku filan oo ay ku afgambiyaan xukuumadda Khan, iyagoo u maraya codka kalsoonida, waxaana in ka badan 12 xubnood oo ka tirsan xisbigiisa Pakistan Tehreek-e-Insaf ay si rasmi ah u taageerayaan mooshinka ay horkacayaan mucaaradka, iyaga oo sabab uga dhigaya inay xukuumaddu ku guul-darraysatay maaraynta sicir-bararka iyo inaysan si sax ah loo maamulin.

Qaar ka mid ah isbaheysiga talada haya ayaa ku biiray mucaaradka, halka qaar kalena ay cambaareeyeen waxa ay ugu yeereen siyaasadda aargoosiga ah oo ka dhan Ra'isul Wasaare Khan.

"Khan aad ayuu ugu darnaa mucaaradnimada, afkiisa iyo ficilkiisa labaduba aad bay u qallafsanaayeen. Waxa uu u sheegayay mucaaradka in xabsiga lagu tuuri doono, oo uu cashar u dhigi doono” ayuu yiri Axmed Bilaal Mehboob, oo ah madaxa machadka cilmi-baarista Horumarinta Sharci-dejinta iyo Hufnaanta Pakistan ee fadhigiisu yahay Islamabad.

Mehboob ayaa intaas ku daray in mucaaradka la geeyay aysan ka soo noqon karin, ayna hadda is weydiinayaan badbaadadooda.

Codka kalsooni kala noqoshada ayaa la qorsheeyay in la qaado Jimcihii shalay ee, Maarso 25-keeda, taasoo ku beegneyd sannadguuradii 30-aad ee guushii Pakistan ee Koobka Adduunka ee Cricket-ka, oo Khan uu kabtan u ahaa xulka Pakistand sanadkii 1992, hase yeeshe, dhageysiga doodda ka dhanka ah Khan, ayaa dib loo dhigay ilaa Isniinta.

Khan ayaa dareemaya in laga yaabo in uu lumiyo codka kalsoonida, waxaana muuqata in uu diiradda saarayo doorashada soo socota, sida uu aaminsan yahay Awais Tohid, oo ah saxafi Pakistani ah.

XS
SM
MD
LG