Isku xirrada

War Deg-Deg ah

22 qof oo lagu la'yahay dagaal ka dhacay xadka Itoobiya iyo Kenya


Ku dhawaad 22 qof ayaa la la’yahay kaddib iska hor imaad dhexmaray kalluumaysato Itoobiyaan ah iyo kuwa Kenyan ah oo ka dhacay xuduudda, sida ay sheegeen booliska iyo masuuliyiinta dowladda Kenya.

Iska hor imaadka ayaa ka dhacay fiidnimadii Sabtida, deegaanada Lopeimukat iyo Natira oo ku teedsan webiga Omo ee xadka u dhexeeya Kenya iyo Itoobiya, sida lagu sheegay bayaan uu Axaddii soo saaray guddoomiyaha gobolka Turkana ee Kenya, Jeremiah Lomorukai.

Booliska Turkana ayaa sheegay in illaa 22 kalluumaysato Kenyan ah aan weli la haynin, halka 15 doon la xaday. Sidoo kale, lix kalluumaysato ah oo ka tirsan qowmiyadda Dasenech ee Itoobiya ayaa la badbaadiyey oo dib loogu celiyay dalkooda.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Kenya, Kipchumba Murkomen, ayaa Axaddii ku qoray barta X in dowladda ay ciidamo dheeraad ah u dirtay xadka, isla markaana uu wadahadallo la leeyahay Addis Ababa si loo "dhex-dhexaadiyo nabadda labada bulsho."

Reuters

Madal

XS
SM
MD
LG