Isku xirrada

War Deg-Deg ah

13 qof oo ku dhintay shil tareen oo ka dhacay Iran


13 qof ayaa ku dhintay, 60 kale oo rakaab ah waa ku dhaawacmeen kadib shil tareen kuwa rakaabka ah uu ka dhacay bariga Iran maanta, sida ay qortay, wakaalada wararka ee Fars.


Tareenka oo ku sii jeeday magaalada Yazd ayaa ku dhacay mid ka mid ah gaadiidka dhismaha kahor inta aan tareenku ka leexan waddadii uu ku sucoda meel 50 km u jirta magaalada Tabas, halkaas oo safarkiisu ka bilowday, sida uu sarkaal ka tirsan tareennada u sheegay wakaaladda wararka dowladda ee IRNA.

"Shan baabuur oo ambalaas ah ayaa ku sugan goobta shilku ka dhacay, 12 kalena waa ay ku sii jeedaan," ayuu yiri sarkaalkan oo ka tirsan gobolka Koonfurta ah ee Khorasan.

Farah-faahin dheeraad ah kama bixin dowladda Iran shilkan.

XS
SM
MD
LG