Ugu yaraan 84 million oo caruur ah oo dunida oo dhan ku nool ayaa lagu qasbaa inay shaqeeyaan, sida ay sheegtay Qaramada Mdoobe.
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay 56 % caruurtaas ay ku noolyihiin wadamada dakhligoodu meel dhexaadka uu yahay, halka laba milyan oo dheeraad ah ay ku nool yihiin dalalka dakhligoodu sareeyo.
Iyadoo dunida maanta laga xusayo maalinta caalamiga ah ee ka hortagga caruurta oo la shaqaaleysiiyo, ayaa Qaramada Midooba ay leedahay dadaalo lagula tacaalayo arrintan oo la sameeyay 30-kii sanadood ee la soo dhaafay ayaa muujijanaya in la cirib tiri karo dhaqankan, haddii asalka dhibaatada la wajaho.
Maureen Ojiambo ayaa warbixintan kasoo dirtay magaalada Sacramento, ee gobolka California. Cabdixakiim Maxamud Shirwac ayaa soo jeedinaya.
Madal