Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qiimaha sarreenka ee dunida oo sare u socda iyo Hindiya oo kor u qaadaysa sarreenka ay dhoofiso


Sareen la soo goynayo
Sareen la soo goynayo

Dalka Hindiya oo ah dalka labaad ee soo saara sarreenka dunida ayaa la filayaa inuu kor u qaado xaddiga sarreenka ama qamaddida ee uu suuqyada caalamka u dhoofiyo, ka dib markii uu meesha ka baxay sarreenkii ka iman jiray dalalka Ruushka iyo Ukraine. Dalka Hindiya ayaa haatan sarreenka uu soo saaro u iibgeeya suuqyada dalalka Bangladesh, Sri Lanka iyo qaar ka mida dalalka Bariga Dhexe.

Hase ahaatee Hindiya ayaa haatan doonaysa inay sarreenka ay soo saarto u iibgeyso suuqyada Afrika iyo Asia maadaama uu yaraaday sarreenkii ka iman jiray dalalka Ruushka Ukraine.

Dalalka ku hareeraysan Badda Madaw, waxay ka mid yihiin dalalka ugu wanaagsan dhinaca beerista sarreenka, waxaana dalalka Ruushka iyo Ukraine ay dunida u dhoofin jireen 30% sarreenka guud ee dunida laga isticmaalo.

Dalka Masar oo ah dalka soo dejista sareenka ugu badan caalamka, ayaa suuqeeda u ogolaatay dalka Hindiya inay keenaan sarreenka dalkooda laga beero. Dalka Masar ayaa wefti u dalka dalka Hindiya, si ay ugala soo hadlaan, in ganacsatada dalka Hindiya ay dalka Masar keenaan shixnado sarreen ah oo buuxin kara booskii ay banneeyeen dalalka Ruushka iyo Ukraine.

Hindiya ayaa sheegaysa inay sannadkan dalka Masar gaadhsiin doonaan illaa saddex milyan oo ton oo qamadi ah.

XS
SM
MD
LG