Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax ka dhacay hotel ku yaalla Cuba oo ay ku dhinteen 26 qof


Hotelka qaraxu ka dhacay ee ku yaalla Havana, Cuba
Hotelka qaraxu ka dhacay ee ku yaalla Havana, Cuba

HAVANA - Wararka ka imana caasimadda dalka Cuba ee Havana ayaa sheegaya in masuuliyiinta dalkaasi ay ku hawlan yihiin baadigoobka iyo samatabixinta dadkii ku waxyeelloobay qarax xooggan oo ka dhacay mid ka mida hotelada ugu caansan magaalada Havana, halkaas oo ay ku dhinteen illaa 26 qof oo isugu jira dadkii hotelka deganaa iyo shaqaalihii hotelka.

Qaraxan oo dhacay goordambe oo Jimcihii ahayd, ayaa burburiyey qaybo badan oo ka mida hotelka Saratoga oo mida hotelada ugu wanaagsan ee ku yaalla caasimadda Havana. Hotelkan ayaa ka kooban illaa 96 qol.

Wakaaladda wararka ee Associated Press ayaa baahisay, in wararka hordhaca ahi ay sheegayaan in sababta keentay qaraxan loo malaynayo, inuu ka dhashay gaasta la isticmaalo. Wasiirka dalxiiska ee Cuba Dalila González ayaa sheegay inuu socdo baadhitaan lagu wado sababaha keenay qaraxan.

Wakiilada shirkadda Grupo de Turismo Gaviota SA ee iska leh hoteelka, ayaa shir jaraa’id oo ay qabteen Sabtidii shalay ku sheegay in 51 shaqaale ah ay ku sugnaayeen hoteelka xilliga qaraxu dhacay, iyo sidoo kale laba qof oo dib u habeyn ku sameynayay hotelka. 11 ka mid ah dadkaasi waxay ku dhinteen qaraxa, halka 13 ka mid ahna weli waa la la’yahay, iyada oo lix qof oo kalena ay dhaawacyo soo gaadheen.

XS
SM
MD
LG