Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xiisadaha Suuqyada Saamiyada Dunida


Suuqa Saamiyada ee Frankfurt Germany Aug. 21, 2015.
Suuqa Saamiyada ee Frankfurt Germany Aug. 21, 2015.

Maalmihii u dambeeyay waxaa degenaansho la’aan ay ka jirtay suuqyada saamiyada ee dunida, gaar ahaan Mareykanka, Britain, Germany, Fransiiska iyo dalal kale oo badan.

Maalmihii u dambeeyay waxaa degenaansho la’aan ay ka jirtay suuqyada saamiyada ee dunida, gaar ahaan Mareykanka, Britain, Germany, Fransiiska iyo dalal kale oo badan.

Xasilooni darrida suuqyada saamiyada ayaa ka dhalatay markii hoos dhac weyn uu ku yimid suuqyada saamiyada ee Shiinaha oo ah awoodda labaad ee dhaqaalaha dunida.

Maantana, Bangiga Dhexe ee Shiinaha ayaa hoos u dhigay heerka dulsaarka deymaha maanta oo Talaada ah, ka dib markii qiimaha saamiyada suuqa Shanghai uu hoos u dhacay 7.6 boqlkiiba.

Bangia Shiinaha ayaa sheegay in heerka lacagta dulsaarka ee deymaha muddada sanadka ah lagu soo celinayo uu hoos ugu dhigi doono laga bilaabo Arbacada berito ah 4.6 boqolkiiba, halka markii hore uu ka ahaa 25, qiyaasta buundooyinka lacagaha dulsaarka ee Bangiyada.

Waa markii Shanaad oo Bangiga Shiinuhu uu hoos u dhigo lacagta dulsaarka deymaha, si uu isugu dayo inuu wax ka qabto hoos dhaca suuqyada saamiyada ee shiinaha isla markaana uu ugu kobciyo dhaqaalaha gaabiska sii galaya ee China.

Baanka dhexe ee dalkaasi waxa uu sidoo kale hoos u dhigay shuruuradaha lacagaha ay keyd ahaanta ugu baahanyihiin Bangiyada Shiinaha.

Hadaba sida ay u shaqeeyaan suuqyada saamiyada iyo saameynta ay ku leeyihiin dhaqaalaha dunida, waxaa wariyeheenna Maxamed Colaad Xassan uu ka wareystay. Dr. Cabdi Cali Jimcaale oo shahaadada PhD-ga ku heysta dhaqaalaha, kuna sugan Magaalada Bristol dalka Britain.

Wareysi: Suuqyada Saamiyada
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:10 0:00


XS
SM
MD
LG