Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Putin 'oo diyaar u ah' qorshaha Shiinuhu kusoo afjarayo dagaalka Ukraine


Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa Isniinta sheegay dhiggiisa Shiinaha Xi Jinping in Ruushku uu diyaar u yahay qorshaha Shiinuhu uu ku doonayo in uu kusoo afjaro dagaalka Ukraine, iyadoo labada mas’uul ay ku kulmeen Kremlin-ka Ruushka looga arrimiyo.

Waxa aan waligeenba u furneyn wadaxaajood, ayuu Putin u sheegay Xi oo booqashadiisii u horreeyey ku tagay Moscow tan iyo markii uu militariga Ruushku ku duulay Ukraine horraantii sanadkii hore.

Kulanka madaxweynaha Ruushka iyo hogaamiyaha Shiinaha ayaa imanaya iyadoo Shiinuhu uu doonayo in uu isku muujiyo in uu dhexdhexaad ka yahay khilaafka Ukraine.

Washington ayaa ku eedaysay Beijing in ay ka baaraandegayso inay hub siiso Moscow – sheegashadaasi oo uu Shiinaha si cad u beeniyay.

Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa booqashadiisa taariikhiga ah ee Moscow ku tilmaamay mid “tamar cusub" siinaysa xiriirka Shiinaha iyo Ruushka, ka hor wadahadal uu Vladimir Putin kala yeelanayo soo jeedinta Beijing ee joojinta dagaalka Ukraine.

“Dunidan isbeddelka badan, China waxay sii wado doontaa inay Ruushka kala shaqeyso ilaalinta hanaanka caalamiga ah oo QM xuddun u tahay,” ayuu yiri Xi, sida ay ku warrameen wakaaladaha wararka Ruushka.

Booqashada saddexda maalin ah ee Xi ayaa sidoo kale muujineysa in uu taageero siinayo hoggaamiyaha caalamka ka go’doonsan ee Ruushka, maalmo uun ka dib markii ay maxkamadda danbiyada caalamiga ah bixisay amar lagu soo qabanayo, eedo la xiriira in uu carruur ka masaafuriyay Ukraine.

XS
SM
MD
LG