Maalin kasta waxaa caalamka ka dhaca dhacdooyin kala duwan oo xiiso badan, oo qaarkood markaad aragto sawirrada laga soo qaaday aad la cajabeyso. Haddaba idaacadda VOA-da ayaa idiin soo ururisay qaar ka mid ah sawirrada dhacdooyinka caalamka ee xiisaha badan ee hoos ka daawo.
Sawirrada Maanta: Oct. 5, 2015

1
Canug qaxooti Suuriyaan ah oo ku hurda gacmaha aabihiis, ayaga oo jooga goob basaska lagu sugo, kadib markii ay ka yimaadeen dalka Turkiga, soona gaareen jasiiradda Giriigga ee Lesbos.

2
Nin Muujinaya garkiisa, isaga oo ka qeyb-galaya tartanka garka dunida ee magaalada Leogang ee gobolka Salzburg ee dalka Austria.

3
Xubno ka tirsan dowladda Imaaraadda Dubai oo yimid billowga mashruuca Hindisaha Caalamiga ah ee Mohammed bin Rashid Al Maktoum ee magaalada Dubai.

4
Sawir qaade ka tirsan wakaaladda wararka AFP oo uu kala tuurayo askari Israeli ah, intii uu socday banaanbax ka dhacayey dhinaca muslimiita ee magaalada Qudus, kadib markii Israel ay muslimiinta u diiday halkaas.