Maalin kasta waxaa caalamka ka dhaca dhacdooyin kala duwan oo xiiso badan, oo qaarkood markaad aragto sawirrada laga soo qaaday aad la cajabeyso. Haddaba idaacadda VOA-da ayaa idiin soo ururisay qaar ka mid ah sawirrada dhacdooyinka caalamka ee xiisaha badan ee hoos ka daawo.
Sawirrada Maanta: Oct. 27, 2015

1
Shaqaale gargaar oo sida canug yar oo ku dhaawacmay dhulgariirkii shalay ku dhuftay waqooyiga Afghanistan, magaalada Jalalabad ee dalka Afghanistan.

2
Wiil qaxooti Suuriyaan ah oo sitta kabihiisa oo dhiiqo leh, kuna laabanaya teendho uu ku nool yahay oo ku taalla magaalada Mafraq ee Jordan, kuna dhow xadka Syria.

3
Dad ku quraacanaya baabuur qeybta dambe ee baabuur la kala gooyey, iskuna diyaarinaya codbixinta doorashada dalka Guatamala. Waxay ku sugan yihiin magaalada Mixco ee dalkaas.

4
Xubno ka mid ah ciidamada ilaalada China oo ka qeyb-galaya munaasabad lagu soo dhoweynayo boqorka dalka Holland Willem-Alexander, oo booqanaya magaalada Beijing.