Maalin kasta waxaa caalamka ka dhaca dhacdooyin kala duwan oo xiiso badan, oo qaarkood markaad aragto sawirrada laga soo qaaday aad la cajabeyso. Haddaba idaacadda VOA-da ayaa idiin soo ururisay qaar ka mid ah sawirrada dhacdooyinka caalamka ee xiisaha badan ee hoos ka daawo.
Sawirrada Maanta Oct. 20, 2015
5
Laba daanyeero ilme ah oo isla cayaaraya, laguna hayo xarunta duur joogta ee magaalada Kuala Lumpur ee Malaysia.
6
Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka John Kerry (Bidix) oo haysta kaban uu haddiyad ahaan u siiyey wasiirka arrimaha dibedda Spain Jose Manuel Garcia-Margallo, isaga oo ku guda jiray booqasho uu ku tagay magaalada Madrid.
7
Cirbixiyeen ka tirsan hay'adda Mareykanka ee NASA oo lagu magacaabo Scott Kelly ayaa sawirrada qaaday isaga oo ku sugan xarunta dayax gacmeedka ee hawada sare. Sawirkan waa Australia oo dusha sare laga sawiray.
8
Hoggaamiyaha Korea-da Waqooyi Kim Jong Un (Midig, saddexaad) iyo xaaskiisa Ri Sol Ju (Bidix, Afaraad), oo ka qeyb-galaya munaaabad ka dhacday magaalada caasimadda ah ee Pyongyang oo lagu xusayo sanad guuradii 70-aad ee aas-aaska xisbiga haya talada dalkaas ee Shaqaalaha.