Maalin kasta waxaa caalamka ka dhaca dhacdooyin kala duwan oo xiiso badan, oo qaarkood markaad aragto sawirrada laga soo qaaday aad la cajabeyso. Haddaba idaacadda VOA-da ayaa idiin soo ururisay qaar ka mid ah sawirrada dhacdooyinka caalamka ee xiisaha badan ee hoos ka daawo.
Sawirrada Maanta: Nov. 20, 2015
5
Ciidamada dalka Poland oo qaadanaya tababar ku saabsan sida looga jawaabi lahaa haddii uu dhaco weerar kiimiko. Halkan waa magaalada caasimadda ah ee Warsaw.
6
Dhaqaatiir isbitaal macmal ah ku daweenaya qof rayid ah oo ku dhaawacmay duqeynta ciidamada Bashar Al-Asad, magaalada Douma ee dhow magaalada Dimishqi.
7
Mahiro Takano oo ah 9 sano jir oo tababar qaadaneysa. Waxa ay saddex goor ku guuleysatay tartanka Japan ee cayaarta Karate-ga ee ciyaalka ku da'da ah.
10
Baabuur kusoo siqaya biyo wabiga Stillaguamish uu jidka kusoo fatahiyey, gobolka Washington ee dalka Mareykanka.