Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Nigeria: Afar lagu dilay weerar lagu qaaday Kolonyo Mareykan ah


Dabley ayaa weerartay kolonyo baabuur Mareykan ah oo marayey gobolka Anambra ee Koonfurta Bari ee Nigeria Talaadadii, sida ay sheegeen booliska iyo sarkaal Mareykan ah, ayaga oo dilay afar qof, saddex kalena afduubtay.

Koox gooni u goosad ah oo ka howlgasha gobolka ayaa sanadihii dhowaa xoojiyey weerarada ay halkaas ka fuliyaan, ayaga oo inta badan beegsada xarumaha booliska iyo dowladda.

“Wax muwaadin Mareykan ah lama socon kolonyada,” waxaa sidaas yiri afhayeenka booliska Ikenga Tochukwu.

Dableyda “ayaa dilay laba ka mid ah booliska, iyo laba shaqaale oo ka tirsanaa qunsuliyadda Mareykanka,” ayuu yiri, isaga oo intaas ku daray inay kadib dab qabadsiiyeen baabuurka.

Weerarka ayaa “abaare 3:30pm Talaadadii ka dhacay waddada Atani, Osamale,” ee degmada Ogbaru, sida ay sheegeen booliiska.

Ciidamo isku dhaf ah ayaa goobta la geeyey, sida uu sheegay Tochukwu, hase yeeshee dabelyda ayey u suurtagashay inay afduubtaan laba sarkaal oo boolis ah iyo darawal.

Waxaa xalay socday “howlgal badbaadin ah” sida uu bayaan ku sheegay Tochukwu.

Afhayeenka Golaha Amniga Qaranka Mareykanka John Kibry oo weriyayaasha kula hadlay Washington DC ayaa xaqiijiyey weerarka.

“Kolonyo baabuur Mareykan ah ayaa la weeraray. Waxa aan idiin xaqiijin karo ayaa ah inuusan la socon muwaadin Mareykan ah,” ayuu yiri Kirby.

Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa sidoo kale xaqiijisay weerarka.

“Shaqaalaha howlgalka Mareykanka ayaa hay’adaha amniga Nigeria kala shaqeynaya in la baaro,” ayuu yiri afhayeen u hadlay Waaxda Arrimaha Dibedda.

AFP

XS
SM
MD
LG