Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Nigeria: 7 qof oo lagu dhex dilay masjid ay ku cibaadeysanayeen


Mosqu
Mosqu

Dabley hubeysan ayaa dilay toddobo qof oo Muslimiin ah saddex kalena ku dhaawacay laba weerar oo lagu qaaday laba masjid oo ku yaalla gobolka Kaduna ee waqooyi-galbeed ee Nigeria, sida ay booliisku sheegeen.

Kooxo dambiilayaal oo dalkaasi looga yaqaanno burcadda ayaa lagu tuhmayaa weerarka Jimcihii, iyagoo rasaas ku furay dad salaaddii maqrib ku tukunayay masaajid ku yaalla deegaanka Saya-Saya ee degmada Ikara halkaasi oo ay ku dileen lix qof, sida uu sheegay Mansir Xassan oo ah afhayeenka booliiska gobolka Kaduna.

Xassan ayaa sheegay in ‘burcadda’ oo 9 ka mid ah ay mootooyin wateen ay weerareen masaajidka.

Dableyda ayuu sheegay in markaa ka dib ay weerareen masaajid kale oo ku yaalla tuulada Tashar Dauda halkaasi oo uu hal qof ku dhintay saddex kalana dhaawacmeen sida uu yiri afhayeenku.

Xassan ayaa sheegay in kooxda weerarka qaaday ay afar mooto dheceen ka hor inta aysan u cararin keymaha gobolkaasi.

Madal

XS
SM
MD
LG